Dekeda Garacad oo Maareeye Loo Magacaabay

Published: April 19, 2022

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Cabdinaasir Biixi Soofe u magacaabay maareeyaha cusub ee dekeda Garacad ee gobolka Mudug.

Dekeda Garacad oo haatan dhismaheedu gagabo ku dhow yahay waxaa maalgaliyay ganacsato Soomaaliyeed, waxaana dhistay shirkad laga leeyahay wadanka Turkiga. Maareeyaha Cusub ee Dekeda ayaa hore u soo noqday Agaasimihii madaxtooyada Puntland xiligii xukuumadii Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, waxaa uu sidoo kale soo noqday Agaasimihi ciidamada bada Puntland ee PMPF.

Hoos ka akhri wareegtada lagu magacaabay.

Garoowe: 19 April 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 29 ee 19ka April 2022, kuna saabsan magacaabid Mareeyaha Dekadda Garacad.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontiisa iyo waayo-aragnimdiisa shaqo.

Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Cabdinaasir Biixi Soofe loo magacaabay Maareeyaha Dekadda Garacad. Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *