Published: March 11, 2020
by: Horseed Staff
Wasaaradda dekadaha, Wasaaradda Caafimaadka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Maamulka Dekadda Muqdisho oo is-kaashanaya ayaa Dekedda Muqdisho ka bilaabay baarista cudurka saamaynta wayn dunidda ku yeeshay ee Covid-19 baaristaan ayaa la xiriirta siddii looga hor-tagi lahaa Cudurka Coronavirus.
Shaqaallaha Badmaaxiinta ee la socda Maraakiibta kusoo xirata Dekedda Muqdisho, ayaa la bilaabay in laga baaro Cudurka, si loo hubiyo Caafimaadka Badmaaxiinta inta aysan gudaha dekedda u soo gudbin ama gudaha magaaladaba aysan gelin.
Horay sidan oo kale dekedda Magaalada Boosaaso ayaa barista cudurkaan looga bilaabay.