Deni, Karaash iyo Jibril Oo Loo Caleemo Saaray Guddoonka Urur Siyaasadeedka Kaah

Published: July 18, 2020

Shirweynaha urur siyaasadeedka Kaaha ayaa maanta lagu doortay guddoomiyaha, labadiisa Ku-xigeen

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa loo doortay Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka KAAH, Golaha dhexe ee Ururka ayaa sidoo kale Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash u doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Urur Siyaasadeedka KAAH, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa isna loo doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Urur Siyaasadeedka KAAH.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa bogaadiyey sida bulshada Puntland ugu heelantahay hanaanka Dimuqraadiyadda ku dhisan ee Xisbiyada badan.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in aysan Dowladda $1 (Hal doolar ) oo lacag dowladdeed ah ku bixin ururka, wuxuuna gaar ugu mahadceliyay xubnaha Ururka Doorka ay ka qaateen hirgelinta ururka si gaar ah ganacsatada oo uu sheegay in kharashkooda ku bixiyey.

Doorashada loogu doortay guddoonka ururka Saddexda xubnood ee ugu sareeya xukuumada ayaan ahayn mid lama filaan madaama xubnaha ugu badan ee ururka ay yihiin wasiirada, guddoomiyayaasha gobolada, degmooyinka iyo xubnaha siyaasadeed ee xukuumadda Puntland.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *