Deni, Laftagareen iyo Qoor-qoor oo ku kulmaya dalka Imaaraadka Carabta

Published: June 20, 2024
Siciid Deni Safar

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni oo maanta safar aan la shaacin ugu ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta, ayaa saaka ka dhoofay garoonka diyaaradaha Maxamed Abshir ee caasimadda Garoowe.

Madaxweynaha Puntland ayaa halkaas kulamo iyo shirar kula qaadan doona dhigiisa Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen iyo Qoor-qoorka Galmudug oo iyaguna maalmaha soo socda tagi doona Imaaraadka, sida ay warar hoose inoo xaqiijiyeen.

Madaxtooyada Puntland ayaa wax war ah kasoo saarin safarka madaxweyne Deni ugu ambabaxay Imaaraadka.

Horseed Media