Deni Oo Garoowe ka dhagax dhigay dhisme cusub oo Uu Yeelanayo Bangiga Dhexe

Published: March 3, 2020

Munaasabadda dhagax dhigga waxaa Madaxweynaha ku weheliyey Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Gaadiidka iyo Guriyeynta, Axmed Bashiir Muuse, Maamulka Bangiga Dhexe ee Puntland iyo Injineerro ka socday Shlirkadda fulinaysa mashruucan.

“Runtii sharaf wayn bay noo tahay inaan kasoo qayb galo dhagax dhigga xafladaan iyada oo tilmmaam u ah isbedelka Dowladda Puntland ay tiigsanayso oo ay ugu horayso Hay’adaha dhinaca Maaliyadda ka shaqeeya iyo Horumarkooda Bangiguna uu yahay meesha ugu muhiimsan ee la rabo inay jihayso oo ay ka shaqayso” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

“Mashruucan waxaan rajaynayaa in uu sida loogu talo galay u fulo, wuxuuna tilmaan u yahay sida ay uga go’an tahay Dowladda Puntland in Hay’adaha Dowladda dib u habayn lagu sameeyo lana tayeeyo” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Gabagabadii Madaxwaynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdilahi Deni ayaa kormeeray xafiisyada kala duwan ee Bangiga Dowladda Waxaana uu kulan la qaatay Madaxa Bangiga dhexe ee Dowladda Puntland.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *