Deni oo Haweenka Ku Booriyay inay Ku Soo Biraan Xisbiga Dowladda-DAAWO

Published: March 8, 2020

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid cabdullaahi Deni ayaa haweenka reer Puntland ku booriyay inay ku soo biiraan xisbiga dowladda oo dhawaan lagu dhawaaqi doono.

Madaxweynaha oo maanta khudbad ka jeediyay shirweynaha xuska maalinta caalamiga ee haweenka adduunka oo maanta lagu qabtay ayaa sheegay in haweena looga baahan yahay inay taageeraan Nidaamka dimoqraadiga ee Puntland gashay.

““ Dalku wuxuu galay nidaam dimoqraadi ah oo xisbiyaa la galay oo Weliba Xisbiga Dowladda dhawaan baa la furayaa, ajendihiisa ugu horreeya waxaa ka mid ah in haweenka dhiirigaliso, markaa hadda la rabaa in xisbigaas inaad ka soo qaybgashaan si aad kuraas badan u heshaan” ayuu yiri madaxweyne deni, wuxuuna sii raaciyay

” doorashadii xildhibaanada ee uu dambaysay nasiib daro hal gabar baa ku guulaystay, odoyaal dambe oo aad u dabarfariisanaysaan ma jiro, Idiinku waa Badan tihiin oo waad is dooranaysaan, markaa waxaa la rabaa inaad nidaamka dimoqraadiga gacan siisaan, hadhow haddaad idiinku is hagrataan cid ma eedi doontaan” ayuu sii raaciyay

https://www.facebook.com/horseedmedia/videos/877349142709195/

Madaxweynuhu wuxuu u ballanqaaday haweenka inaysan odoyaasha dhaqanku u daba fariisan doonin kuraasta siyaasada haddii ay taageeraan nidaamka dimoqraadiyada ee xisbiyada badan ee Puntland ku dhaqaaysya

“odoyaal dambe oo aad u dabarfariisanaysaan ma jiro, Idiinku waa Badan tihiin oo waad is dooranaysaan, markaa waxaa la rabaa inaad nidaamka dimoqraadiga gacan siisaan, hadhow haddaad idiinku is hagrataan cid ma eedi doontaan”

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *