Deni oo ka Hadlay Kulankii Qoor-Qoor iyo Xaaf

Published: April 6, 2020

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo caawa hadal u jeediyay shacabka Puntland ee Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyay kulankii dhexmaray madaxweynihii hore iyo madaxweynaha cusub ee Galmudug iyo dadaalka dib u heshiineed ee ka socda maamulkas

Mudane Deni wuxuu bogaadiyay Samirka iyo dulqaadka uu muujiyay madaxweynaha Cusub ee Galmudug Qoorqoor iyo tanaasulkii uu sameeyay madaxweynihii hore Axmed Ducaale Xaaf

“Waxaa muuqata markii Galmudug isku kaliyaysatay dadkeedu oo dowladda dhexe ay waqti siisay in arrimooda xalistaan, waana arrin aan ku bogaadinayo in degaan kastaa arrimahooda xalistaan” ayuu yiri madaxweyne Deni

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi deni ayaa dhowr jeer hore ku dhaliilay dowladda Federaalka inay gacanta kula jirto arrimaha gudaha ee Maamulka Galmudug, gaar ahaan doorashadii ka dhacday degaankaasi

Dhinaca kale, Madaxweyne deni wuxuu sidoo kale soo dhaweeyay wadahadalada nabadeed ee Nairobi uga socdo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo siyaasiyiintii ku gacan sayraysay doorashadii madaxtinimo ee ka dhacday Jubbaland Sanadkii hore.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *