Deni: Puntland waxay Gacan Xoogleh Ka Gaysan Doontaa Horumarinta Nidaamka Federaaliga

Published: March 9, 2020

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in shirka ayaa ka tashiga Puntland ee 15 maarso looga hadli doono Ajendayaal ay ka mid yihiin xoojinta iyo horumarinta nidaamka federaalka ee Somaliya iyo halka ay Puntland tiigsanayso Mustaqbalka

Madaxweyne Deni oo ka hadlayay kulanweynaha Haweenka Somaliyeed ee xuska 8 maarso waxaa uu sheegay in shacabka Puntland oo iskaashanaya ay xaaladahan oo kale si wadajir uga gudbi jireen

“Shirka waxaa looga wada hadlaya mustaqbalka dalka halka uu u socdo iyo Puntland meesha ay tiigsanayso oo ay ugu horraysay in nidaamka dowladnimada dhidibada u istaagto, Ilaaliso nidaamka federaalka ee Somaliya” ayuu yiri Madaxweyne Deni

Wuxuu sheegay in Puntland ay gacan xoog leh ka gaysan doono Horumarinta Nidaamka Federaaliga ah iyo Nidaamka dimqoraadiyada Somaliya. waxaa kaloo uu shacabka Puntland ugu baaqay inay ka shaqeeyaan sidii loo adkayn lahaa midnimada Puntland, horumarna loo gaarsiin lahaa Somaliya.

https://www.facebook.com/horseedmedia/videos/877349142709195/

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *