Deni: Waxaan Farayaa Ciidamada goobtaad doontaan ku Toogta Argagixisada

Published: June 21, 2020

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xerada ciidanka Xorgoble ee Degmada Qardho tababar ugu soo xiray dufcaddii 2-aad ee dhammaysata tababarkooda, kuwaasi oo ka tirsan ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland.

Ciidankan tababarku usoo xidhmay maanta ayaa ka kalayimi dugsiyada Xorgoble, Badhan iyo Xerada 54-aad ee Taliska Ciidanka Daraawiishta. Ciidanka maanta tababarku u xidhmay ayaa soo bandhigay xirfado xeeldheer oo ay barteen mudadii uu u socdey tababarku. 

Madaxweyne Deni wuxuu ugu baaqay maleeshiyaadka kooxaha Alshabaab iyo Daacish ee ku dhuumaalaysanaya buuraha Calmadow iyo Cali Miskaad inay isku soo dhiibaan dowladda ama ka baxaan degaamadaasi , waxaa uu sheegay in cidii diida baaqiisa aan wax arxan ah loo gali doonin

” ma qarsanayno, waxaan farayaa ciidamada Puntland meel kasta oo ay joogaan wixii bulshadan cadow ku ah goobtaad ku aragtaan ku tooga, maxkamadaha lala sugi maayo, maxaa yeelay cadowga hadda jira wajiyo badan buu yeeshay, cidkasta oo fal dambiyeed ku jirta oo wax fulinaysa goobteeda ha lagu toogto” ayuu yiri madaxweyne deni

Dhinaca kale, Madaxweyne Siciid deni wuxuu sheegay in dhaqaalihii iyo taakulayntii ay mudnaayeen ciidamada Puntland inaysan ka helin dowladda federaalka

“Waxaa nasiibdaro ah iyadoo aduunka uu uga baxo boqolaal million oo dollar sidii Soomaaliya uga caawin lahaayeen Amniga, iyo dhismaha ciidanka in wixii ay ka mudnaayeen Puntland inaysan ka helin DFS, taas waxaan rajaynayaa in caalamku garto. Masuuliyiinta Dowladda Federaal ka ah hanti ay hayaan loogu dudimaayo, balse waa inaysan caqabad ku noqon waxa beesha caalamka laga helayo, waxaan rajaynayaa in caqligu uu taliyo, duruuf walbaa deegaannada kale waa ka jirtaa, hadana cadawgu meel walba waa joogaa, dhismaha ciidankana meelwalba waa looga baahan yahay, waxaase Alle mahaddiis ah Puntland oo 21 sano jirtey oo masuuliyiintii kala dambeysey ee soomaray ay garteen ahmiyadda ciidamadu leeyihiin”. Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweyne Siciid Ayaa shalay gaaray magaaladda Qardho ee gobolka Karkaar.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *