Dfs oo Beenisay Wararka Sheegaya in Coronavirus Uu Soo Galay Dalka

Published: March 12, 2020

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa War-saxaafadeed ay soo saartay waxay ay ku xaqiijisay inuusan dalka soo gelin Cudurka Caronavirus oo dhibaato ku haya Caalamka.

Warsaxafadeedka waxay ku sheegtay in 4 qof muwaadiniin oo dalka Shiinaha ka yimid la karantiilay oo la geeyay goob loogu talagalay xili-huuriska oo loogu talagalay dadka looga shakiyo Coronovirus. Wasaaradu waxay kaloo sheegtay in baaritaan lagu sameeyay dadkaasi oo laga qaaday muunado si dalka dibadiisa loogu soo baaro.

Dhinaca kale, Wasaaraddu waxay been abuur ku tilmaamtay wararka lagu baahiyay baraha bulshada ee ah in cudurka Coronavirus uu soo galay, waxayna u digtay dad ay ku sheegtay inay faafinayaan warar been abuur ah.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *