DFS oo go’aanno ka soo saartay baahinta wararka ku saabsan Al-Shabaab

Published: October 8, 2022

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in la mamnuucay baahinta wararka ku saabsan Ururka Al-Shabaab.

Wasiirka ku xigeenka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-Cadaalla oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya mamnuucday baahinta wararka la xiriira Ururka Al-Shabaab, ciddii baahisone laga qaadi donna tallaabo.

Sidoo kale Wasiir Al-Cadaalla ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay 48 saac ee la soo dhaafay ay xirtay in ka badan 40 ciwaan oo ku jiray Baraha Bulshada kuwaas oo ka furnaa Facebook iyo Twitter, isaga oo sii sheegay in Dowladda ya sii wadi doonta.

Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-Cadaalla ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ogashahay in ay dadka cabiraan aragtidooda balse aan la ogaleyn in faafiyaan wararka la xiriira Al-Shabaab.

Go’aankan ayaa ku soo beegmaya Xilli qaar kamid ah gobolada dalka ay ka socdaan dagaalo ka dhanka ah Al-Shabaab.

Horseed Media