Published: April 11, 2020
by: Horseed Staff
Wasiirka Wasaaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Mudane Sheikh Nuur Maxamed Xasan iyo Culimaa’udiinka Soomaaliyeed oo maanta kulmay ayaa ka wada hadlay dardar gelinta dadaallada lagula tacaalayo cudurka Coronavirus.
Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiinta wasaaradda, mas’uuliyiin ka socotay xafiiska ra’iisulwasaaraha XFS, dhaqaatiir Iyo hay’adaha Amniga,Waxaana la isla gorfeeyay sida ugu wanaagsan ee wax looga qaban karo faafitaanka cudurkaan safmarka ah ee ku soo kordhay dalkeenna.
Dood iyo aragti is-dhaafsi ka dib waxaa wasaaradda iyo culimadu isla garteen qodobada soo socda:
- In Culimada oo ka mid ah dadka ay bulshadu dhageysato ay kaalin weyn ka qaataan wacyigelinta bulshada ee ku aaddan cudurkan khatarta ah ee Covid19.
- In la dhiso guddi ka shaqeeya taakuleynta iyo caawinta qeybaha nugul ee bulshada oo uu saameynta nololeed ku yeelanayo cudurkan Coronavirus, maadaama ay nagu soo aaddan tahay bisha barakeysan ee Ramadaan.
- Guddi ka kooban Dowladda, khubarada caafimaadka iyo culimada ayaa qiimeyn doona oo go’aan ka gaari doona waxa laga yeelayo arrinta masaajidda kadib marka cilmi baaris diini iyo mid caafimaad ah la sameeyo.
- Waxaa markale la farayaa ganacsatada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay u turaan shacabka Soomaaliyeed oo aysan sare u qaadin qiimaha waxyaabaha daruuriga u ah nolosha shacabka Soomaaliyeed, culimadana wacyigalin ka sameyso, hay’adaha dowladda ee arrintu khuseysana tallaabada ku habboon ka qaadaan.
HORSEEDMEDIA