DFS oo Heshiis La Gashay labo Shirkadaha Shell/Exxon

Published: March 3, 2020

Wasiirka macdanta iyo Batroolka dowladda federaalka Somaliya Cabdirashid Maxamed axmed ayaa sheegay in dowladu heshiis bilow ah la geshay shirkada Shell/Exxon kaasi lagu baarayo, oo lagu hormarinayo shidaalka iyo gaaska xeebaha dalka.

Wasiirku wuxuu sheegay in heshiiskan uu la gaaray shirkadaha iskaashaday ee Shell/Exxon uu siinayo dowladda awood iyo kalsooni lagu sii baaro shidaalka iyo gaaska ku jira badda Soomaaliya

Baaritaan lagu sameeyay badda Somaliya ayaa muujinaysaa in keyd shidaal oo cadadkiisu badan yahay uu ku jiro badda.

Madaxweynaha dowladda federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bishii hore saxiixay sharciga batroolka oo ay hore u soo ansixiyeen labada aqal ee barlamaanka federaalka.

Labada shirkadood ee Shell/Exxon weli kama hadlin heshiiska ay dowladda federaalku sheegtay inay la gashay.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *