DFS oo ka hadashay xilliga dalka lagu soo celinayo Ciidamada ku maqan dalka Eriteriya

Published: September 27, 2022

Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha iyo dib ujeshiisiinta Xukuumada Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo ka hadlayay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab ayaa soo hadal qaaday Ciidamada tababarka ugu maqan dalka Eriteriya iyo waxa dowladda kaga qorsheysan.

Wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in ciidamadaasi dhowaan dalka lagu soo celin doono si ay qeyb kaga qaataaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab ee haatan ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka.

Ciidamada ku maqan dalka dalka Eriteriya waxaa dhowaan booqday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud isagoo u kuurgalay xaaladaha ay sugan yihiin.

Hadalka Wasiir Fiqi ayaa ku soo aadaya Xilli dagaalo u dhaxeeya Ciidamada dowlada iyo xoreynta deegaanka ee isku dhinac ah iyo Al-Shabaab uu ka socday qaar kamid ah gobalada dalka.

Horseed Media