DFS oo mid Hal Milyan ugu deeqday Maamulada Dalka si looga hortago Covid-19.

Published: April 15, 2020

Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha DFs ayaa amar ku bixiyay in dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir si degdeg ah lagu gaarsiiyo lacago ay u adeegsadaan ka hortagga iyo la tacaalidda cudurka Covid-19, Midkastan ala siiyo Hal Milyan oo dollar.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in muhiimmaddu ay midnimada iyo isu geynta cududda Soomaaliyeed ay leedahay ahmiyad gaar ah,qeybaha kala duwan ee bulsahda ayuu ugu baaqay in dhan looga soo wada jeesto ciribtirka caabuqan.

Wasiirrada caafimaadka dhammaan dowlad goboleedyada dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kulanka ka qayb galay ayaa soo bandhigay warbixinno la xariira xaaladda COVID-19 ee deegaannadooda iyo waxyaabaha ay u baahanyihiin, waxayna soo dhaweeyeen tallaabada uu Ra’iisul Wasaaruhu qaaday, iyaga oo xusay inay wax badan ku soo kordhin doonto dadaallada billowga ah.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *