Dowladda Federaalka oo sheegtay in 15 katirsan Al-Shabaab lagu diley dagaalkii Sina-dhaqo

Published: September 23, 2022

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo war soo saartay ayaa sheegtay in howlgal ka dhacay Deegaanka Sina-dhaqo ee Gobolka Galgaduud ee Galmudug ay ku dishay 15 Xubnood oo katirsan Al-Shabaab.

Dowladda ayaa sheegtay in Ciidanka Xoogga dalka uu dagaal xooggan kala hortagay xubno katirsan Al-Shabaab oo weeraray saldhig Ciidamada Federaalka ay ku leeyihiin deegaankaas.

Dowladda ayaa u mahadcelisay Mareykanka & Howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS oo gacan ku siinaya Ciidanka Federaalka & Kuwa Dowlad Goboleedyada dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee dalka ka socda.

Warkan ka soo baxay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xilli gobolada dhexe ee dalka ay socdaan howlgallo ka dhan ah Al-shabaab.

Horseed Media