DFS oo sheegtay in 19 ka tirsan Ururka Al-shabaab lagu dilay dagaal ka dhacay Basra

Published: October 7, 2022

Ugu yaraan 19 ka tirsan kooxda Al-shabaab ayaa lagu dilay kadib dagaal qaraar oo saaka ka dhaca deegaanka Basra ee u dhexeysa degmooyinka Afgooye iyo Balcad.

Sida ay shaacisay warbaahinta dowladda, dagaalka lagu dilay Al-shabaab ayaa dib uga qarxay tuulada Muryaale, halkaas oo maalmihii ugu dambeeyay ay maleeshiyada Al-shabaab isku aruursanayeen, sida uu sheegay Afhayeenka Wasaaradda Amniga Cabdikaamil Shukri Macalin.

Ciidamada dowladda ayaa toddobaayadii ugu dambeeyay howgallo amni ka sameynayay deegaankan oo saldhig u ahaa maxkamadaha maleeshiyada Al-shabaab.

Howlgallada ka dhanka ah ururka Al-Shabaab ee ka socda Soomaaliya ayaa looga xoreeyay deegaanno tobannaan ah tan iyo markii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu iclaamiyay dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al-shabaab horraantii bishii hore ee September.

Horseed Media