DFS oo sheegtay inay dalka dib ugu soo celineyso Dhallinyaro ku xirnaa xabsiyada dalka Liibiya

Published: September 26, 2022

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in27 bishan oo bari ku beegan dalka dib ugu soo celineeysa ilaa 9 Dhallinyaro Soomaaliyeed oo Tahriib uga baxay dalkooda.

Dhallinyaradaan oo qaarkood Maxaabiis ahaan ay u heysteen Kooxaha Burcadda ee loo yaqaano Magafayaasha ayey Dowladda Soomaaliya sheegtay inay ku guuleysatay in dib loogu soo celiyo dalkooda.

Xoghayaha kowaad ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Liibiya Ayuub Xaashi Ciise ayaa sheegay in Dhallinyaradaan diyaarad laga soo saaray dalka Liibiya bari oo Talaado ah lagana soo dajindoono garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Xoghaye Liibiya ayaa sidoo kale sheegay in Dhallinyaradaan oo dhibaato badan la kulnay ay safaaraddu u dhameystirtay dhammaan waxyaabihii ay u baahnaayeen .

Safaaradda Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixisay sidii muwaadiniitani Soomaaliyeed ee guud ahaan ku jira xabisyada dalkaasi dib loogu soo celin lahaa dalka.

Horseed Media