DFS oo si Rasmi ah u joojisay Waxbarashada Sanad Dugsiyeedka 2019-2020

Published: April 8, 2020

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in la joojiyay qaadashada casharadii waxbarashada dugsiyada dalka ee sannad dugsiyeedka 2019-2020 oo ay hadda ka harsantahay muddo ka yar afar isbuuc.

Wasaaradu waxay sheegtay iyadoo la tixgalinayo dhibaatada caalamka ka taagan ee uu sababay cudurka coronavirus in si rasmi ah loo joojiyay qaadatashada carsharada

“Ardayda sannad dugsiyeedka dhamaaday waxaa lagu qiimeyn doonaa heerkii ay daruusta ka marayeen xilligi lagu dhawaaqay xiritaanka dugsiyada oo ku beegneyd 19-ka bisha Maarso 2020”ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Dhinaca kale, Wasaaradu waxay sheegtay in la qaadi doono imtixaankii shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe iyo sare, hase yeeshee waqtiga la qaadayo ay wasaaradu la soo socodsiin doonoto ardayda iyo waalidiinta.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *