Dhimasho ka dhacdey Garoowe kadib dhul la isku qabsadey

Published: April 23, 2024
Shares2

Muran iyo isqab-qabsi ka dhashey lahaanshaha dhul ku yaala koonfurta caasimadda Puntland ee Garoowe ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac.

Labada qolo ee dhulka isku haysta ayaa maanta halkaas geeyey dhalinyaro hubeysan taas oo sababtey in ay rasaas ay is weydaarsadaan, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen dad goobjoog ahaa.

Hal qof ayaa ku geeriyoodey is rasaaseynta waxaana ku dhaawacmey qof kale oo la dhigey isbitaalka.

Waxaa goobta gaarey ciidamada Booliska kuwaas oo kala dhex galay dhilinyarada hubeysan, ma jirto cid weli loo soo xirey dilka dhacay.

Muranka iyo isku qabsiga dhulka ayaa aad ugu badan caasimadda Puntland inkasta oo dilalka iyo gacan ka hadalku uu yaraadey.

HORSEED MEDIA