Dhul gariir aad u xooggan oo ka dhacay koonfurta Turkiga iyo waqooyiga Siiriya

Published: February 6, 2023

In ka badan 100 qof ayaa ku dhintay ka dib markii dhulgariir cabirkiisu yahay 7.8 uu burburiyay dhismayaal ku yaalla koonfurta Turkiga iyo waqooyiga Suuriya. Gariirka dhulka ayaa laga dareemay meelo fog fog sida Lubnaan, Qubrus iyo Masar.

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee Turkiga ayaa sheegtay in 76 qof la xaqiijiyey inay dhinteen, ugu yaraan 440 kalena ay ku dhaawacmeen.

Kaaliyaha wasiirka caafimaadka ee Suuriya Ahmad Dumeira ayaa sheegay in ugu yaraan 42 qof ay ku nafwaayeen aagagga ay dowladdu gacanta ku hayso ee dalkaas, halka dhakhaatiirta goobaha ay fallaagada gacantu ku hayaan ay sidoo kale sheegeen in tobanaan qof ay dhinteen.

“Waxaan ka baqaynaa in dhimashadu ay boqollaal gaarayso,” ayuu yiri Muheeb Qaddour, oo ah dhakhtar ku sugan magaalada Atmed ee dalka Suuriya, isaga oo la hadley wakaalada AP.

Shaqaale samatabixin ah ayaa loo daad gureeyay Turkiga iyo Suuriya si ay uga soo saaraan dadka ku hoos jira burburka.

“Waxaan u direynaa tacsi dhammaan muwaadiniintayada ay waxyeeladu ka soo gaartay dhul-gariirka,” ayuu madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ku yiri bartiisa Twitter-ka.

Horseed media