Diyaarad kuwa wax basaasa ah oo maanta Muqdisho kusoo dhacday

Published: February 3, 2012

Diyaarad yar oo nooca basaaska ee aan duuliyaha lahayn ah ayaa maanta kusoo dhacday magaalada Muqdisho.

Goobta ay diyaaradani ku burburtay oo ah xero ay dad Barakacayaal ahi degen yihiin ayaa waxaa durbadiiba soo gaarey ciidamada midowga Africa Muqdisho ka jooga ee AMISOM.

Dad goob joogeyaal ah ayaa wargeyska Washington Post u xaqiijiyey inay arkayeen diyaaradaas oo kusoo dul dhacday mid kamid ah aqalada ay degen yihiin Barakacayaasha ku nool xerada qaxootiag ee Badbaado oo cooshado ka sameysan.

Sacadiyo Sheekh Madar oo la hadashay Washington Post ayaa sheegtay in burburka diyaaradaas ay qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM oo xerada soo gaarey.

Cali Xuseen oo isna ah sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska ayaa wargeyska Washington Post u sheegay in diyaarad noocan oo kale ahi ay sanadkii hore Muqdisho kusoo dhacday.

Ma ahan markii ugu horeysey ee ay diyaarad bilaa duuliye ahi ku dul burburto goob kamid ah dalka Somaaliya haseyeeshee waxaa horay deegaano ka tirsan gobolada Jubbooyinka ugu burburay dhowr Diyaaradood oo noocaas ah.

Diyaarad tan maanta xerada Badbaado ku dul dhacday oo kale ah ayaa sanadkii hore kusoo dhacday dusha sare ee mid kamid ah guryaha magaalada Muqdisho ku yaal.

 

Horseed Media

Xigasho: Washington Post