Soomaaliya oo hawada ka celisey diyaarad sidey wefdi Itoobiyaan ah oo ku wajahnaa Hargeysa

Published: January 17, 2024

Hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ayaa maanta oo Arbaca ah hawada Soomaaliya ka celisay Diyaarad Ethiopia Airline oo Hargeisa wafdi uso waday.

Sida Warbaahinta gudaha ka heshay ilo Xog-Ogaal ah oo duulimaadyada ka ka tirsan diyaarada ayaa ku laabatay Adisababa oo marki hore ay ka so kacday.

War ka soo baxay Hay’adda Duulimaadyada dalka ayaa lagu yiri

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay manta oo tariikhadu tahay 17/01/2024, hawada Jamhuuriyada Soomaaliya ka celiysay diyaarad ay leedahay shirkada Ethiopian Airlines, noceedu yahay Dash 8-Q400, flight number ET8372 kuna socotay Hargeysa, kadib markii ay cadaatay inaanay diyaaradaasi haysan wax fasax ah oo ay ku isticmaasho hawada Soomaaliya

Waxaa la rumeysan yahay in diyaaradda ay saarnaayeen wafdi hordhac u ah madax sare oo Itoobiya oo imaanaya Somaliland.

Saaraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa u sheegay warbaahinta gudaha in markii hore ay diyaaradu diiday inay u hoggaansanto amarka dowladda kahor inta aan hay’adda duulista Soomaaliya ku hanjabin inay hawada ka xireyso dhammaan diyaaradaha ka imaanaya Itoobiya.

Habeenikii xalay waxaa Hargeysa gaarey ciidamo Itoobiyaan ah kuwaas oo wefigan ilaalo u noqon lahaa, waxaana ay mareen dhulka.

Xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa si weyn u xumaadey kadib heshiiska Itoobiya iyo Somaliland kaas oo dhigaayey in saldhib ciidan Itoobiya ku yeelato badda cas, waxaana Soomaaliya ku tilmaantey heshiiskaas mid meel uga dhacaaya madaxbanaanida iyo midnimada qarankeeda.

Ilaa hadda dowladda Itoobiya kama hadlin dhacdadan diyaaradda dib looga celiyey hawada Soomaaliya

Horseed Media