Diyaarad Shil Ku Gashay Baardheere

Published: July 5, 2020

Diyaarad laga leeyahay dalka Kenya ayaa maanta shil ku gashay gegida diyaaradaha ee magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Wararaka ayaa sheegaya in mid ka mid ah taayirada diyaaraddu ku degto uu qarxay, balse lama sheegin cid wax ku noqotay shilkaas.
Diyaaradan ayaa nooceedu ahaa Fokker 50 kana diiwaangashan 5Y-WFC ayaa loogu talogalay rakaabka iyo xamuulka.

Waa diyaaradii saddexaad oo laga leeyahay Kenya oo shil ku gasha Soomaaliya, waxaana diyaarad ay lahayd African Express bishii May afarteedii sanadkaan ay ku burburtay meel ku dhow magaalada Bardaale, kadib markii ay soo rideen ciidamada Itoobiya, waxaana ku dhintay lixdii qof ee diyaaradda saarnaa.

Sidoo kale sanadkaan bishii May 25, diyaarad kale oo Kenya ah, oo sumadeedu tahay 5Y-VVA, ayaa lagu rasaaseeyay Qansaxdheere, Gobolka Bay ee Soomaaliya.

Shilka diyaaradan ayaa ku soo beegmaya xilli maanta ay dib u bilowdeen duulimaadyada gudaha ee dalka Soomaaliya.

Sawirada diyaarada maanta dhacday:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *