Diyaaradaha Mareykanka oo soo ridday qalab duulayay hawada daalkaasi

Published: February 13, 2023

Diyaarad dagaal oo uu leeyahay dalka Mareykanka ayaa soo ridday qalab duulayay hawada Mareykanka oo aan la aqoonsan waxa uu yahay.

Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegay in saraakiisha aysan weli u suurtagalin inay ogaadaan waxa uu ahaa qalabka lasoo riday.

Waa markii afaraad ee uu Mareykanka bishan gudaheeda fuliyo hawlgalka noocan ah oo lagu soo ridayo waxyaabo hawada duulayay oo laga shakiyay.

Dhacdadan ayaa dhalinaysa su’aalo dheeraad ah oo ku saabsan xadiga walxaha joogga dheer ee lagu soo riday Waqooyiga Ameerika bishan.

Horseed Media