Diyaarado duqeyeey deegaano ka tirsan Jubada Hoose

Published: February 4, 2012

Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in saacadihi lasoo dhaafay ay diyaarado dagaal ay duqeeyeen deegaano u dhaxeeya Badhaadhe iyo Kismaayo.

Dad goob joog ah oo ka gaabsaday in magacooda la shaaciyo ayaa Horseed Media u sheegay in duqeymaha oo ay geysteen laba diyaaradoo oo miig ah lala beegsaday tuulooyinka Xaliima Cadeey iyo Buulo Xaaji.

Wali lama oga qasaaraha ka dhashay hase ahaatee warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in lala eegtay fariisimo ay Al Shabaab ku lahaayeen meelaha la duqeeyey.

Afhayeenka Milatariga Kenya Major. Emanuel Chirchir oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegtay in ay ku dileen duqeymahahaasi tobnaan ka tirsan dagaalyahanada AL Shabaab.

Kenya ayaa bilihi ugu danbeeyey duqeymo ku heysay deegaano badan oo ka tirsan gobolada Jubooyinka, Gedo iyo Shabeelaha Hoose.

 

Horseed Media