DKG oo qaraxii garoonka kubadda ee Wardhiigley Al-shabaab ku eedeysey [War-saxaafadeed]

Published: February 28, 2012

(Muqdisho 28 Feb 2012) Waxaa sii kordhaya dhalinyaradii ciyaartoyda ahayd ee gellinkii dambe ee shallay Al-shabaab qarax kula eegatay garoon ku yaala degmada Wardhiigley ee gobalkan Benaadir, waxaan dhimashada gaaraysa shan waxaana xallay dhaawac uga dhintay 3 cusbitaal.

Sii hayaha wasiirka warfaafinta, Bostada iyo Isgaarsiinta, Mudane Cabdulahi Bile Nur oo ku hadlaya magaca dawlada KMG-Soomaaliya ayaa yiri, “Waxa ay maalin murugo u tahay dhamaan shacabka Soomaaliyeed kol haddii carruurteenii la xasuuqayo iyagoo kubbada cagta ku ciyaaraya xaafadahooda, waxaa ka sii murugo badan in dad muslim sheeganaya ay ka dambeeyaan falkaasi.

“Dawlada KMG-Soomaaliya way sii wadaysaa isla markaana sii xoojinaysaa dadaalkeeda ku aadan in ay soo afjarto hanjabaada lagu hayo carruurteena iyo bulshada inteeda kale iyadoo xoogjinaysa amaanka goobaha dadka gaar ahaan carruurta ay ku kulmaan. Balse waa inaan xasuusanaa in aan bulshadu lagu baabi`in Karin argigixiso noocan oo kale muda gaaban gudaheed.

Si kastaba ha ahaatee xilli aan sidaas u sii fogayn ayaan soo afjareynaa maadaamaa ciidamada qalabka sida ay kooxaha argagixisada ay ka sii saarayaan magaalada Muqdisha iyo nawaaxigeeda iyo dalka intiisa kale oo hurumar hore loogaba gaaray,” sidaana waxaa hadalkiisa ku soo afjaray wasiirka.

 

HorseedMedia