Dood cilmiyeed ku saabsan Fahamka Nidaamka Federaalka oo lagu qabtay Madaxtooyadda.

Published: December 20, 2019

Aqalka madaxtooyada dowladda Federaalka Somalia ee Villa Somaliya waxaa lagu qabtay dood cilmiyeed ku saabsan fahamka nidaamka federaalka

Doodan oo ay soo qabanqaabisay madaxtooyada ayaa waxaa ka qaybgalay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dr Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) iyo khubaro ku xeeldheer arrimaha Federaalka, qeybaha bulshada rayidka ah iyo saraakiil ka socotay qaar ka mid ah hay’adaha dowladda.

Kulanka intii uu socday, waxaa si xoogan looga dooday hannaanka federaalka ee dalka,muhiimada uu leeyahay iyo caqbadaha ku xeeran hirgalintiisa, iyadoona khubarada casharka bixineysa ee Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Prof Abdullahi Sheekh Cali (Qalloocow) iyo Dr Xuseen Maxamed Siyaad oo ka mid ah golaha dhaqaalaha Qaranka Soomaaliyeed ay si faahfaahsan u sharaxeen nidaamka federaalka iyo noocyadiisa si faham badan uga helaan bulshada Soomaaliyeed, waxaana jiray su’aalo la xiriira Federaalka oo la waydiiyey khubarada .

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dr Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) ayaa dul istaagay ahmiyadda uu leeyahay fahamka bulashada ee nidaamka Federaalka, maadaama uu aasaas u yahay xasilloonida siyaasadeed iyo midda amni ee dalka, waxa uuna tilmaamay in Dowladda ay dadaal xoogan ku bixineyso hirgalintiisa.

Madaxda iyo ka qayb-galeyaasha kale ee kulanka ayaa isla gartay in laga faa’iidaysto talooyinka khubaradan Soomaaliyeed ee ku xeel-dheer arrimaha Federaalka iyo in xog uruurin qotodheer laga sii sameeyo aragtiyaha kala duwan ee bulashada ay ka haystaan nidaamka Federaalka, si loo gaaro hannaan wacyigalineed ka turjumaya dhammaan aragtiyaha Shacabka Soomaaliyeed.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *