Doorashada guddoomiyaha EYL maxay kaga duweneyd tii Qardho iyo Ufeyn?

Published: September 3, 2022

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wefdi xooggan oo uu hoggaaminaayo ayaa maanta tegay magaalada dhacda xeebta Hindiya ee EYL, si uu halkaas uga soo dhiso golihii deegaanka ee shacabku doorteen sanad ka hor.

Doroashada oo la qabtey caawa ayaa waxaa guddoomiyaha degmada Eyl loo doortey Faysal Khaliif Wacays oo helay 26 cod oo kamid ah 27 cod ee Xildhibaanadu ka kooban yihiin.

Ku xigeenka waxaa u sharaxnaa saddex musharax oo mid kamid ah ay is wateen guddoomiyaha hadda la doortey oo aan ahayn kii ururka KAAH horey u wadatey, laakiin heshiis ururka dhexdiisa ah ku yimid.

Doorasho buuq ka dhashey waxaa Wasiirka Arrimaha guduhu ku dhawaaqey in musharixii ururka KAAH Cabdirisaaq Kilwe helay 15 cod oo gacan taag ah. Waxaa taas ku gacansayrey musharixiintii kale.

Maxay uga duweyned doorashooyinkii hore?

Doorashadan waxay uga duwaneyd kuwii hore waxay khilaafsaneyd sharciga gogolyaasha deegaanka ee baarlamaanku meel mariyey taas oo dhigeysa in cod qarsoodi ah lagu doorto duqa degmada iyo ku xigeenkiisa, sidii ka dhacdey Qardho iyo Ufeyn.

Qardho iyo Ufeyn waxaa ka dhacdey doorasho qarsoodi ah la isku riiqdey, tusaale Ufeyn hal cod ayaa lagu kala baxay, waxaa la marey dhamaan habraaca xeerku dhigaayo ee hoos ku qoran.

Wasaaradda arrimaha guduhu Qardho iyo Eyl waxay ka qabatay doorasho sanduukh xildhibaanadu ku codeeyeen halka EyL gacantaag ma cadda sababta wasaaraddu ay sharciga u jebisey.

Dhanka kale Axmed Siciid Aw-nuur oo ka tirsan ururka Mideeye ayaa qoraal uu bartiisa Facebook dhigey ku sheegay sidan:

Eyl doorasho kama Dhicin caawa , wasaaradda arrimaha guduhu waxay doorashadii ka dhigtay boob ka dib markii sadexdii murashax ee Guddoomiye ku xigeenadda u sharaxnaa midkii dawladu wadatay si xoog ah loogu dhawaaqay inuu helay 15 cod isagoo ay Gacanta u taageen 8 Xildhibaan oo Keli ah.

Axmed Sciiid Aw-nuur


Labadii murashax oo kale iyagoo qaylinaaya oo leh waxaan rabnaa doorasho sanduuq lagu codeeyo oo wareegyo leh ayaa lagu dhawaaqay in Murashxii ka socday ururka KAAH uu guulaystay .

Axmed Siciid Aw-nuur oo horey Puntland uga soo noqdey wasiirka waxbarashada ayaa sheegay in tijaabadii doorashada ahayd dowladdu ay ku soo xirtey mid aan la aamini karin dalkana aan ka hirgelin karin nidaamka xisbiyada waxaana goobtaas isaga dareeray Xildhibaanada ururada mucaaradka ka socdey, waxaana uu yiri:

Habdhaqanka dawladda puntland ay caawa ka samaysay EyL wuxuu Ceel dheer ku riday doorasho qof iyo cod ah puntland ka hiragasha Mustaqbalka. ayuu yiri Axmed Siciid aw-Nuur

Si kastaba ha ahaatee dhismaha golaha deegaanka ee Eyl oo qaadatey muddo sanad ah, taas oo kaliftey in Madaxweyne Deni la soo kiciyo ayaa qaabka loo doortey oo sharciga baal marsan noqon kartaa bar madow oo kale oo muujineysa sida loo wado barnaamijka dimoqraadiyadda iyo sida la isu aamni karo iyada oo wakhtiguna gabaabsi yahay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *