Doorashada kuraasta golaha shacabka ee gobollada waqooyi oo lasoo gabagabeenayo

Published: February 21, 2022

Guddiga doorahsooyinka gobollada waqooyi ayaa lagu wadaa inay maanta soo gabagabeynayaan doorashada kuraasta golaha shacabka ee barlamaanka 11-aad oo heer gabagabo ah soo gaartay.

Guddiga ayaa saakay qabanaya doorashada seddaxda kursi ee ugu dambeysa xubnaha reer waqooyiga, kuwaas oo ka kooban 46 kursi oo golaha shacabka ah.

Guddigaan ayaa horay u soo gaba-gabeeyey doorashada 11-kursi oo gobollada waqooyi ka soo galay golaha Aqalka Sare.

Guddiga maamulka doorashada kuraasta gobollada waqooyi ayaa qorsheynaya in doorashada kuraastaas uu kusoo gabagabeeyo mudadii lagu balamay ee 45 cisho aheyd, taas oo galaha wadatashiga qaranka ay u asteeyeen in lagu soo afjaro doorashada dhammaan xubnaha baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *