Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa Maanta oo khamiis ah lagu wadaa inay ka…
Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa Maanta oo khamiis ah lagu wadaa inay ka dhacdo Doorashada hal kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee ku harsan Maamulka Hirshabeelle.
Kursigan oo tirsigiisu yahay HOP135 waxaa ka geeriyootay Marxuumad Xidlhibaan Aamina Maxamed Cabdi kaas oo doorashadiisu ay ka dhaceyso Magaalada Jowhar.
Kurisga waxaana loo diiwaan-geliyay labo Musharax oo kala ah Maxamed Nuur Xuseen iyo Maxamed Aadan Daahir kuwaas oo shalay shahaadada Musharaxnimo la siiyay.
Xildhibaanadii Kursigan ku fadhiday Marxuumad Aamina Maxamed Cabdi ayaa lagu dilay qarax Is-miidaamiin ah oo lagula beegsaday Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.