Doorashada USA: Bernie Sanders oo ku guuleystey gobolka Nevada

Published: February 23, 2020

Senatorka laga soo doorto gobolka Vermonat ee dalka Maraykanka Sen. Bernie Sanders ayaa ku guuleystey doorashadii gobolka Nevada ee kala reebka musharixiinta maalinimadii sabtida.

Murashaxa xisbiga Dimuquraadiga Senator Bernie Sanders ayaa xalay ku guuleystay gobalka Nevada oo ay ka dhacday codbixinta horudhaca ah ee is reeb reebka murashaxiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha Maraykanka doorashada sanadkan 2020.

Senator Bernie Sanders oo ah Xildhibaan 78 jir ah oo laga soo doorto gobalka Vermont ayaa ku guuleystay in ka badan 46% cododka taageerayaasha xisbiga Dimuquraadiga ee gobalka Nevada oo leh 35 ergooyinka ugu danbeynta codka ka dhiiban doona shirweynaha xisbiga Dimuquraadiga ee lagu soo xuli doono Murashaxa rasmiga ah ee xisbigaasi Dimuquraadiga. Madaxweyne ku-xigeenkii hore Joe Biden ayaa galay kaalinta labaad inkasta oo aanu aad ugu dhaweyn natiijada Sanders helay.

Sanders ayaa 3dii codbixin ee dhacdey ku guuleystey 2, halka ilaa hadda IOWA aan weli lagu dhawaqin cidda ku guuleysatey. Sanders oo ay si weyn uga soo horjeedaan Hoggaamiyaasha Burjuwaasiga ah ee Dimoqraadigu ayaa u muuqda in aan sanadkan cidi ka hor taagneyn wadada.

29ka bishan Feberaayo ayey codbixinta horudhaca ah ka dhici doontaa gobalka South Carolina, kadib waxaa ku xigi doonta Super tuesday 03 march oo ay ka dhici doono 11 gobol doorashadu.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *