Doorashada USA: Biden oo qarka u saaran inuu ka guuleysto Trump

Published: November 6, 2020

Murashaxa Xisbiga Dimuquraadiga Joe Biden ayaa cododka uu helay sii kordhayaan xili Madaxweyne Trump uu ku doodayo in la musuq maasuqay codbixinta isagoon aan wax cadeyn ah soo bandhigin.

Joe Biden ayaa si lama filaan ah codod badan uga helay gobalka Georgia oo ay maamulaan xisbi Xaakimka Jamhuuriga, xili ay weli socoto tirinta cododka oo aan dhamaan.

Georgia
Biden iyo Trump ayaa labaduba hada heysta 49.4% gobalka Georgia, waxaana weli la filayaa inay codod dheeraad ah ka yimaadaan degmooyinka ay Dimuquraadiga ku xoogan yihiin taasi oo guusha siin karta Joe Biden. Gobalka Georgia ayaa murashaxa ku guuleysta helayaa 16 ergo.

Arizona
Gobalka Arizona ayaa sidoo kale weli laga wadaa tirinta cododka iyadoo uu weli ku horeeyo Biden cododka illaa iyo hada la tiriyey (Biden 50.1% vs Trump 48.5%). Gobalka Arizona ayey kasoo baxaan 11 Ergo.

Nevada
Gobalka Nevada ayuu Joe Biden weli cododka ku hogaaminayaa 49.4%, halka Trump heysto  48.5% cododka. Gobalkan ayey ka yimaadaan 6 ergo.

Pennsylvania
Gobalka muhiimka ah Pennsylvania oo ay kasoo baxaan 20 ergo ayaa waxaa weli hogaaminaya Trump oo 18,229 cod ka horeeya Biden, hase yeeshee gobalkan laftiisa ayaa la filayaa in Biden ku guuleysan karo maadaama cododka weli tirintooda ay socoto ay intooda badan ka imaanayaan degmooyinka Dimuquraadiga oo iyagu horey codkooda usii dhiibtay.

Joe Biden oo hada heysta 253 ergooyinka gobalada uu ku guuleystay ayaa u baahan oo kaliya 17 ergo oo uu ka helo gobalada haray ee aan kor ku xusnay si uu u helo 270 ergo ee loo baahan yahay, halka Trump illaa iyo hada uu heysto 213 ergo sida la saadaalinayo.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *