Doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Galmudug

Published: August 12, 2021

Baarlamaanka maamul gobaleedka Galmudug ayaa maanta codka u qaadaya 12 murashax oo ku tartami doona 6 kursi oo kamid ah Senatorada Galmudug laga soo doorto ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor oo maalin kahor shaaciyey magacyada murashaxiinta maanta tartameysa ayaa waxa saaran culeys weyn oo uga imaanaya Villa Soomaaliya iyo siyaasiyiinta kale ee damacsan in murashaxiinta wax kasoo xulaan.

Labo kamid ah kuraasta Galmudug laga soo doorto ee Senatorada ayaan weli la shaacin cid ku tartami doonta waxaana kamid ah kursiga uu hada ku fadhiyo Senator Cabdi Qaybdiid oo ah guddoomiyaha guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya, xilkaasi ayaa waxaa sidoo kale u tartamaya Madaxweynihii hore ee Galmudug Xaaf.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *