Doorashadii Puntland: “Geedi Caano Leh Oo Si Rasmi Ah U Dhimatey”

Published: September 25, 2023
Shares128

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo khudbad ka jeediyey magaalada Boosaaso bilowgii sanadkan 2023 ayaa sheegay in uu ku faraxsanaa in uu Cabdi Siciid Faarax Juxaa u qaatey in uu noqdo Wasiirka Arrimaha Gudaha, ka hor Juxaa waxaan ahayn afgarooc, aan dadka ka gadi karin barnaamijka dimoqraadiyadda, laakiin Juxaa markii uu la yimid halku dhigiisi caanka ahaa ee “Geedi Caano Leh” uu galiyey ruux dheeraad ah.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Juxaa iyo Madaxweynaha Puntland 28 Sep 2022

Cabdi Faarax Juxaa oo wata “style” ka duwan wasiirada kale, markii uu golaha wasiirada ku soo biiraayey waxa uu Madaxweynaha ku xujeeyey dhawr shardi taas oo ay ka mid tahay.

  1. In kalfadhiga golaha wakiilada 25 Okt 2022 ka sheego in doorashada xiligeedi uu ku qabanaayo oo muddo kororsi aanu jirin.
  2. In aan khasab looga dhigin in uu ka mid noqdo kaadiriinta KAAH oo uu noqon doono wasiir dhex ah.
  3. In Wasiirada kale ee isbeddelka ku imaanaya talo laga siiyo si ay koox ahaan ugu soo galaan xukuumadda.

Madaxweynaha Puntland waxa ugu horeeyey ee uu jebiyey ayaa ahayd in aanu khudbadiisi ku soo qaadin doorashada 2024, muddo dheer ayuu diidanaa in uu ka hadlo ilaa la gaarey isbeddalka lagu sameeyey dastuurka markaas oo xeero iyo fandhaal kala dhaceen, isaguna dadka isaga dejinaayey.

Kadib Doorashadii May 2023, waxaa dalka ka dhacay isbeddelo badan taas oo u eg sheekada buuga “sida Dimoqraadiyaddu ku dhimato”. Buuga la yiraahdo How Democracies Die wuxuu qeexayaa habka qof la doortey isugu beddeli karo “KELIGIIS TALIS” (AUTHORITARIANISM) waxaana ay soo qaadanayaan qoroyaasha buuggu tusaalayaal badan oo dunida ka dhacay waxaana kamid ahaa hoggaamiyihii Venezuela Hugo Chavez doorashadii 1998. Buugu waxa uu ka sheekaynayaa sida kalsooni darro ugu dhacdo kan, keligii taliyaha isu beddalaya, wuxuu abuuraa kala qaybsanaan bulshada ah, kadib waxa uu sameeyaa laba cadow oo midna banaanka yahay midna gudaha yahay, dadku halka ay ka jilcisan yihiin ayaa lagu kiciyaa tusaale ahaan “waa la idinku soo duuley”, Dimoqraadiyadda ayaa la diidan yahay, qofkasta oo ka soo horjeesta waxaa lagu shaabadeeyaa in uu u shaqeynaayo cadowga uu sameeyey waxaana laga dhigaa “HORGAL”, waxa uu gacanta ku dhigaa garsoorayaasha ciyaarta doorashada sida Maxaakiimta, guddiyada doorashada, Booliska, dhaqaalaha dalka iyo warbaahinta, markii uu arko in uu haysto 90% in uu mar labaad guuleysan karo, ayaa waxaa ku dhacaya kalsooni darro kale waxaana uu u baahan yahay in uu helo 10% ka dhiman, sidaas darteed ayuu beddalaa dastuurka iyo sharciyada oo ka dhigaa kuwo isaga ku jaan go’an, waana sababta dimoqraadiyaddu u dhimato.

Dastuurkii Puntland waxaa la beddalay, kadib markii ciyaarta la galay, waxaana lagu fariisiyey ciyaar dhamaatey natiijadeedi in lagu beddelo isbeddalka dastuurka, taas waxaa barbar socda in Xeerka Goloyaasha Deegaanka la beddeley kadib markii Xildhibaanada Goloyaasha Deegaankala doortey, waxaana xeerkii isbeddelka lagu sameeyey lagu dhaqey goloyaashii deegaanka ee soo baxay kaas oo curyaamiyey Xildhibaanadii la doortey.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Cabdi Faarax Siciid ayaa si weyn ugu doodey in waxa loo baahan yahay ay tahay “gole deegaan oo shaqeyn kara”, dooda ugu adag ayaa ka dhacdey Shirkii todobaadkii hore ee Golaha Xukuumadda, kadib markii Xisbiyada yaryar ay la midoobeen Xisbi xaakimka Dowladda ee kaah si meesha looga saaro dhamaan Xildhibaanadii ku soo baxay Xisbiga Mucaaradka ah ee Mideeyey oo maamulada degmooyinku u noqdaan kuwo Kaah soo wada dhisatey iyada oo isticmaaleysa Xisbiyada la midoobey.

Cabdi Faarax Siciid ayaa sheegay in ay ka fiirsanayaan magaalooyinka muranku ka taagan yahay oo aysan xaaladda uga dareyn waxaana kamid ah: Iskushuban, Murcanyo, Burtinle, Bur-Saalax, iyo magaalada Boosaaso oo muhimad gaar ah Puntland u leh.

Xog soo gaartey Horseed Media ayaa sheegaysa in masuuliyiin ka socota Xisbiyada Mustaqbal, Kaah, Sincad iyo Ifiye ay la xiriireen Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo hadda ay ka dhexeyso “MIDOW” waxaana ay dacwad ka gudbiyeen Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarah Siciid oo ay sheegeen in uu caqabad ku yahay dhismaha goloyaasha deegaanka, waxay ku eedeeyeen in uu doonaayo in doorasho furan la geliyo magaalada Boosaaso taas oo ay aaminsan yihiin in Xisbiga Mideeye ku guuleysanaayo, sidaas darteed waxay ka codsadeen in uu XILKA KA QAADO Wasiir Juxaa.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxaa gaarey laba heshiis oo ku saabsan magaalada Boosaaso, mid waxa uu u dhexeeyaa Mideeye iyo Mustaqbal, waxaana saxiixey Guddoomiye ku xigeenka Mustaqbal iyo in badan oo kamid ah asaasayaasha ururka, labadan Xisbi ayaa isku dar haysta 13+4=17 Xildhibaan oo kamid ah 33 Xildhibaan ee Boosaaso. Heshiiska kale ayaa u dhexeeya Mustaqbal, Sincad, Kaah iyo ifiye oo isku dar haysta 19 Xildhibaan. Arrintan waxaa si weyn uga soo horjeeda xitaa Xildhibaanada la doortey gaar ahaan kuwa Xisbiyada Kaah iyo Ifiye, kadib markii Guddoomiyaha iyo ku xigeenka la siiyey laba Xisbi oo midkiiba haysto 4 Xildhibaan.

Xog ku dhaw Madaxweyne Deni ayaa sheegaysa in uu ku khasaarey magacaabistii Cabdi Faarax Juxaa, oo sidii uu rabey ula shaqeynw aayey, sidoo kale waxa uu ku daray, Wasiirka qorsheynta Maxamed Siciid Faroole iyo weliba taliyaha Booliska Puntland Gen. Muumin oo ku tilmaamey kuwo aan waxba u soo kordhin.

Madaxweynaha Puntland ayaa dalka ka baxay 15 Agoosto iyada oo aan safarkiisa la shaacin waxa uu ku saabsan yahay iyo halka uu aadey, waxa uu ku sugan yahay magaalada Dubai, wararku waxay sheegayaan in uu UAE ka dhawraayo in uu helo lacag, inkasta oo qorshe lacag lagu siiyo oo uu gadi karo aanu meesha geyn, wararku waxay sheegayaan in hadda suuq u raadinaayo dekadda Garacad sidii shirkad Imaraatka laga lee yahay ay ula wareegi lahayd halkaasna uu ka sameyn karo lacag uu ku galo doorashooyinka.

Muddo xileedkii goloyaasha Puntland waxaa ka dhiman laba bilood oo keliya, ma jiro heshiis siyaasadeed, mana muuqato fursad doorasho Xisbiyo lagu qaban karo ka hor 8 janaayo 2024, waxaa la is weydiinayaa waxay u goyneyso Madaxweynaha in uu xilka ka qaado Wasiirka Arrimaha Gudaha oo la dhihi karo shaqo badan ayuuba ka qabtey doorashooyinka, inta xumaatey la dhihi karo waxaa la yimid Baarlamaanka, Xisbiyada siyaasadeed qaarkood iyo Madaxweynaha, mise waxa uu ka raadinayaa Madaxweynuhu “NAFIS SIYAASADEED” war jiraaba cakaaru imaan.

Maxay ku nuugtaa ama ka nuugtaa?

Mohamed Osman
Horseed Media