Dowlada Soomaaliya Oo Si KMG Ah U Xirtay Garoonka Diyaaradaha Beledweyne

Published: July 16, 2020

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa si kumeel gaar ah u joojisay shaqadii garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne.

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka duulista hawada Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) ayaa booqday garoonka Ugaas Khaliif oo ay shalay ku burburtay Diyaarad u rarnayd ciidanka AMISOM.

Agaasimaha Duulista Rayidka Soomaaliya Axmed Macalin Xasan oo ku jirey wafdiga booqday garoonka ayaa sheegay in garoonka Baladweyne uu sii xirnaan doono inta lagu wado baaritaanka wixii sababay inay diyaaradu dhacdo.

Duuliyihii diyaaradda burburtay ayaa sheegay sababta shilkaas inuu lahaa Dameer soo galay garoonka Beledweyne, taasina ay keentay inuu diyaaradda ka leexiyey dhabbihii ay ku socotay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *