Dowladad Soomaaliya oo sheegay in howlgal lagu dilay in ka badan 25 katirsan Al-Shabaab

Published: January 18, 2023
Shares34

Ciidammada dowladda Soomaaliya, kuwa deegaanka iyo saaxiibada Caalamiga ah ayaa how wadajir ah ka sameeyey nawaaxiga deegaanka Xawaadleey oo katirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgalka uu si gaar ah uga dhacay Beerta Sheekh Qaasim Tuullada Dhagaxoow ee hoostagta deegaanka Xawaadleey.

Warka kasoo baxay dowladad Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay in ka badan 25 ka tirsan Al-Shabaab halka sidoo kalena lagu soo furtay hub iyo gaadiid dagaal.

Al-Shabaab ayaa shaley weerar ku qaadeen Saldhigyada Ciidamada dowladda ku leeyihiin degaanka Xawaadleey, iyadoo uu ku dhintay Taliyihii guutada 3 aad qeybta 27 aad Col Abshir Shataqeey.

Horseed Media