Dowladd Turkiga Oo Taageeray Madaxbanaanida Dhuleed Ee Soomaaliya

Published: January 4, 2024

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ay ka walaacsan tahay heshiiska is-afgaradka dhexmaray Ra’iisul Wasaaraha dowladda federaalka Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Bixi Cabdi, kaas oo ku xadgudbaya midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga Öncü Keçeli oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitterka ee hadda loo yaqaan X ayaa yiri, “Waxa aanu ka walaacsanahay Heshiiskii Is-afgaradka ee Iskaashiga ee ay Itoobiya iyo Somaliland ku kala saxeexdeen Addis Ababa January 1, 2024, iyada oo aan ogolaansho ka haysan Dawladda Soomaaliya.”

Sidoo kale qoraalka uu faafiyey afhayeenka ayuu ku sii daray, “Waxaan mar kale xaqiijinaynaa sida ay nooga go’an tahay midnimada, madaxbannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxaan ku nuuxnuuxsanaynaa in ballan-qaadkani uu yahay mid ku jaan go’an sida shuruucda caalamiga ah.”