Dowladda Federaalka: 20 Al-Shabaab ayaanu Ku Dilnay Dagaalka Goof Gaduud

Published: December 23, 2019

Warbaahinta dowladda federaalka ayaa soo tebisay in Ciidamada milaterigu ay 20 ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab lagu dilay dagaal ka dhacay deegaanka Goof Gaduud oo qiyaasti 30 km ujirta magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ciidanka xoogga dalka ayaa waxa ay sidoo kale ku dhaawaceen 30 kale oo ka tirsan Al-Shabaab, kadib markii ay soo weerareen fariisimo ay ciidamada Xoogga Dalka ku layaaheen deegaanka Goof Gaduud.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa sheegay in laga warqabay weerarka Al-Shabaab, isla markaana ay ciidamada qorsheynayaan sidii guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed looga ciribtiri lahaa, si dib la isugu furo waddooyinka Gobollada Baay iyo Bakool.

Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa waqti kooban qabsaday degaanka goof Gaduud, hase yeeshee ciidamada dowladda ayaa dib u qabsaday. Weerarkaas waxaa ku dhintay askar ka tirsan dowladda federaalka sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya degaankaasi.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *