Dowladda Federaalka oo 400 Neef oo Ari ah Ka Soo Furatay Alshabaab

Published: February 23, 2020

Ciidamada milateriga dowladda federaalka ee gobolka Hiiraan ku sugan ayaa howlgallo amni oo ka sameeyeen tuulooyinka u dhaxeeya degmada Maxaas iyo deegaanka Muqokori waxay ku soo furteen 400 neeef ari ah oo Alshabaab ka carareen.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayay ciidamadu ka sameeyeen tuulada Muuse-geel iyo kuwa kale oo ka tirsan gobolka Hiiraan sida ay warbaahinta Qaranka u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidamada.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in howlgalka ujeedkiisu ahaa sidii argagaxisada looga sifeyn lahaa waddooyinka u dhaxeeya deegaanka Moqokori iyo degmada Maxaas oo maleeshiyada Alshabaab ay si dhuumaaleysi ah ku soo galaan mararka qaar ayna dadka shacabka ka qaataan xoolo baad ah.

Sidoo kale saraakiisha ciidamada xoogga ayaa sheegay in Alshabaab ay ka carareen illaa 400(Afar boqol) neef oo ari ah oo ay dadka shacabka ka dhaceen kaddib markii ciidamadu ay weerareen goob ay ku aruurinayeen,iyadoo dadki lahaa ay ciidamadu dib ugu celiyeen xoolahooda.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *