Dowladda Federaalka oo ka hadashay qarax ka dhacay gobolka Hiiraan oo lagu dilay nabaddoono

Published: September 17, 2022

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa cambaareysay qarax ay kooxda Al-shabaab xalay ku beegsadeen kuna dileen qaar ka mid ah nabaddoonada gobolka Hiiraan.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxaas oo miino ahaa lagu dilay ugu yaraan saddex Nabadoon, mid kalena lagu dhaawacay, kuwaas oo ka soo wada jeeda hal Beel oo dega gobolka Hiiraan

Wasaaradda oo shaacisay magacyada nabadoonada weerarkaas ku dhintay ayaa kala ah:

(1) Nabadoon Yuusuf Fiidow iyo wiilkiisa Ibraahim Yuusuf Fiidow.

(2) Nabadoon Mukhtaar Xaaji

(3) Nabadoon Xasan Xuseen Lugayare

Sidoo kale wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtay in la shirqoolay Nabadoonada, iyagoo ku sii jeeday deegaannada Al-Shabaab, si ay u soo daayaan shacab ay kooxdu xir-xirtay.

Ugu dambeyn Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa tacsi u diray ehellada odayaasha dhaqanka ee ku dhintay qaraxaas oo qabsaday baabuurkii ay la socdeen.

Horseed Media