Dowladda Kenya oo dib u fureysa xaduuda ay la wadaagto Soomaaliya

Published: February 4, 2023

Dowladda Kenya ayaa shaacisay inuu gabagabo marayo qorshe ay dib ugu fureyso xaduuda Mandhera ay kala wadaagto Soomaaliya.

Kenya ayaa sheegtay furitaanka xuduuda ay qeyb ka tahay dadaalada lagu hagaajinaayo amaanka xaduuda iyo la dagaalanka badeecooyinka koontarabaanka ah.

Talaabadaan ayay Kenya sheegtay iney ku timid wadatashiyo heer sare ah oo ay yeesheen labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiirka amniga gudaha dalka Kenya Kithure Kindiki oo ka hadlaayay booqasho uu ku tagay magaalada Mandhera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegay in dib u furitaanka xadka Soomaaliya iyo Kenya uu wax badan ka badali doono amaanka xaduuda.

Sanadkii 2012-kii ayay aheyd markii dowladda Kenya ay xirtay dhamaan xaduudaha dhulka ah oo ay la wadaagto dalka Soomaaliya, si ay uga hortagto weerarada kooxda Al-shabaab ay ka geystaan gudaha dalkaasi Kenya.

Horseed Media