Dowladda Maraykanka: “Waxaan aqoonsanahay midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee xuduudaheedii 1960-kii”

Published: January 4, 2024
Shares24

Afhayeenka Wasaarada Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Matthew Miller ayaa sheegay in dawladda Maraykanku ay ka walaacsan tahay xiisadda ka jirta gobolka Geeska Afrika.

Miller oo ka jawaabayey su’aal la weydiiyey oo ku saabsan is-afgaradka ay gaareen Itoobiya iyo Somaliland iyo xiisadda ka dhalatay ayaa sheegay inay ugu baaqayaan dhammaan dhinacyada inay si diblomaasi ah ku xalliyaan.

“Waan aragnay wararkaas, waan ka walacsanahay, waxaan ku biiraynaa bahwadaagta kale [ee beesha caalamka] inaan ka muujino walaaca weyn ee aan ka qabno iyo xiisadda ka dhalatay ee Geeska Afrika. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan saamilayda inay galaan wadaxaajood diblomaasiyadeed, dawladda Maraykankuna waxay aqoonsan tahay madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee xuduudaheedii 1960-kii,” ayuu yiri Matthew Miller.

Horseed Media