Dowladda Mareykanka oo hub ku wareejisay dowladda Soomaaliya

Published: January 8, 2023

Dowladda Mareykanka ayaa lacag dhan 9 milyan oo dollar oo isugu jirta hub, gaadiid, agab caafimaad iyo agab kale ku wareejisay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed (SNA).

Qalabkan ayaa lagu wareejiyey munaasabad ay ka qeyb galeen wasiirka gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac iyo safiirka Mareykanka Larry André.

Marka laga soo tago hubka culus, agabka waxaa ka mid ah baabuurta taakulaynta iyo dhismaha, agabka xeer ilaalinta, agabka dayactirka gaadiidka iyo hub.

Sahayda ugu badan ayaa lagu wadaa in ay gaaraan maamul goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug si ay u taageeraan ciidamada XDS.

Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa u mahad celiyey dowladda Mareykanka.

“Taageeradan ayaa ku soo beegantay xilli xasaasi u ah ciidamadeena, innagoo kor u qaadayna awooddooda la-dagaalanka Al-Shabaab.” Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Wasiirka ayaa waxaa xafladda ku wehliyay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Guuto Odowaa Yuusuf Raage.

Hubkan ayaa lagu taageeri doonaa guutooyinka ciidamada Danab oo ay ku jiraan guutooyin hadda ka qeyb qaadanaya howlgallada ka socda Hirshabeelle iyo Galmudug.

Horseed Media