Dowladda Mareykanka oo Somaliland kala hadashay dagaalka Laascaanood

Published: February 23, 2023
Shares2

Dowlada Mareykanka ayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi kala hadashay dagaalka ka socda Magaalada Laascaanood gaar ahaan khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.

Mareykanka ayaa ku baaqay in si deg deg oo shuruud la’aan ah loo joojiyo xabadda todobaadkii 3aad oo xiriir ah ka socota Magaalada Laascaanood.

Sidoo kale uu ku baaqay in aan la carqaladeyn howlaha gargaarka banii’aadanimo ee la gaarsiinayo shacabka Laascaanood.

Hadalka Dowlada Mareykanka ayaa ka dambeysay markii uu maanta magaalada Hargeysa booqasho ku tagay safiir ku xigeenka Maraykanka ee Soomaaliya Tim Trenkle.

Horseed Media