Dowladda Masar oo Soomaaliya ugu deeqday 450 oo deeq Waxbarasho ah

Published: January 11, 2023
Shares6

Wasiirka Wasaradda Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinsta Sarre Farax Sheekh Cabdulqaadir ayaa dowladda Masar uga mahadceliyey 450 deeq waxbarasho ah oo ay sannad kasta siin doonto Soomaaliya ka dib kulan ay Qaahira ku yeesheen Wasiirada Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sarre ee Dowladdaha Soomaaliya iyo Masar.

Wasiir Faarax oo heshiis dhanka iskaashiga tacliinta sare ah la saxiixday wasiirka Tacliinta Sare ee Masar, Dr. Ayman Caashuur, ayaa sheegay in Dawladda Masar ay siin doonto Soomaaliya sannad kasta deeq waxbarasho oo heerarka cilmi iyo xirfad ee kala duwan ee jaamacadaha ah, oo gaaraysa 450, isaga oo uga mahadceliyay Dawladda Masar deeqda iyo garab istaagga weyn ee ay u fidiso ardayda Soomaaliyeed.

Sidoo kale heshiiska Soomaaliya iyo Masar ayaa waxaa ka mid ah in ardayda Soomaalida ee wax ka barata dalka Masar loola macaamilo sida muwaadiniinta Masaarida oo kale.

Wasiir Faarax ayaa ballanqaaday in xulashada ardayda la siinayo deeqaha waxbarasho ay ku iman doonto tartan iyo imtixaan.

Horseed Media