Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo ka wadahadlay Amniga Guud ee Dalka

Published: January 31, 2022

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminaayo Wasiirka Gaashaandhigga JFS iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Wasiiru Dowlaha Amniga iyo Agaasimahiisa, Xafiiska Lataliyaha Amniga Qaranka, XDS, Midowga Yurub, Midowga Afrika, Dalalka Ciidamada Ka joogaan Soomaaliya iyo xubna ka socda beesha caalamka ayaa kawada hadalay sidii Soomaaliya ay u hanan laheyd Amniga Guud ee Dalka.

Shirkan oo daba socday shir dabayaaqadii bishii Januaary ee sanadkan ka dhacay Addis Ababa ee Xaruunta Midowga Afrika, kaasoo looga arrinsanayey Qorshaha Qaran ee Kala-guurka, fulinta mandate ka cusub ee lagu heshiiyey, waxaa sidoo kalena waxbixin laga dhageystey guddiga farsamo ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika, u diyaar garowga howlgalka cusub ee labada (2) sano soo socota, fulinta wixii lagu heshiiyey, casharada laga baran karo wixii qabsoomey iyo xaqiijinta sidii ay Dowladda Soomaaliyeed u gaari laheyd hanashada amniga guud ee dalka.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa u mahad celiyey garab istaagga Midowga Africa iyo Beesha Caalamka sida ay u garab istaageen Soomaaliya, isagoona sheegay in dowlada soomaaliya ay ka go’antahay dardargelinta howlaha horyaala.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *