© 2023 Horseed Media Group

golis telecom

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay qaraxii ka dhacay Imaaraadka

Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay qarax dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Imaaraadka Carabta.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali ayaa si adag u  cambaareeyay weerarkii lagu qaaday magaalada Abu Dhabi.

Waxaan si xoogan u cambaareynayaa weerarkii argagixiso ee maanta ka dhacay Abudubay, anigoo ku hadlaya magaca dowladda FS, waxaan tacsi u dirayaa dhibanayaasha iyo qoysaskooda, falalka argagixisanimadu waxay khatar weyn ku yihiin amniga gobolka” ayuu yiri mudane Cabdisiciid.