Dowladda Soomaaliya Oo Dhiirigelinaysa Maal-gashiga Gudaha iyo Kuwa Caalamiga ah

Published: December 16, 2023

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhiiri-gelinayso maal-gashiga gudaha iyo kuwa caalamiga ah, si kor loogu qaado kobaca dhaqaale ee dalka.

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka oo hadal ka jeediyey madal ay soo qaban-qaabisay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, ayaa xusay in Xukuumaddu ay qirsan tahay doorka wax ku oolka ee ay shirkaddu kaga jirto dalka.

Mudane Saalax ayaa tilmaamay in deyn cafinta kadib ay shirkadaha ka shaqeeya dalka ay heli doonaan fursado badan oo ay adduunka kula falgeli doonaan.

Munaasabadda ayaa waxa kasoo qeyb galay guddoomiyaha Golaha Shacabka, Ra’iisul Wasaareyaal hore, xildhibaanno ka tirsan labada gole, ganacsato iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Horseed Media