Dowladda Soomaaliya oo digniin u dirtay shirkad shidaal baaris kawada Somaliland

Published: December 28, 2022

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Soomaaliya, ayaa ku eedeysay shirkadda shidaal baarista ee Genel Energy ee laga leeyahay UK, inay howlo sharci darro ah ka waddo Soomaaliya.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda ayaa looga digay khatarta ka dhalan karta maalgashi iyo sahmin sharci darro ah oo la sheegay inay shirkadda ka waddo deegaannada Somaliland.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku wargalisay maalgashadayaasha shisheeye in Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta ay tahay hay’adda kaliya ee sharci ahaan u fasaxaysa sharciga iyo qawaaniinta u degsan Soomaaliya si ay u bixiso ogolaanshaha baarista iyo horumarinta kheyraadka shidaalka sida uu dhigayo sharciga Batroolka Soomaaliya.

Waxay tilmaamtay ogolaansho kasta oo lagu bixiyo wax xadgudub ku ah shuruucda iyo qawaaniinta Soomaaliya inuu yahay sharci darro, iyadoo loo aqoonsan lahaa mid aan waxba ka jirin.

Si kastaba ha ahaatee, shirkadda Genel Energy ayaa Somaliland heshiis ugula jirta inay shidaalkii ugu horreeyay kasoo saartay Somaliland. Sida qorshuhu yahay, sannadka 2023 ayay shirkaddu filaysaa inay soo saarto shidaalkii ugu horreeyay.

Horseed Media